Barnaamijyada RDC

RDC waxay siisaa barnaamijyo kala duwan dhammaan ardayda.

Waxaan nahay barayaasha marka hore, waxaana ognahay in barashada jawi cusub ay tahay mid adag oo dhinacyo badan leh, waxaan aaminsanahay waxbarashadu inay tahay mid horseed u ah ka qaybgalka bulshada iyo waxqabadka, waxaa naga go’an inaan la shaqeyno kuwa cusub iyo jaallayaasha bulshada, annaga oo og taas. Waxaan raadineynaa inaan ka shaqeyno dadka cusub iyo kuwa muddada dheer deris ahaan si aan u abuurno bulsho furfuran oo loo dhan yahay oo dhammaan hadiyadaha dadka lagu qiimeeyo. Waxaan u furannahay fikrado cusub, annagoo ogaanayna habab cusub oo ka wanaagsan oo lagu caawinayo baahiyaha soo ifbaxaya iyo kuwa aan la daboolin ee deriskayaga qaxootiga iyo soogalootiga.Taasi waa sababta aan u raadineyno inaan u adeegno qoyska oo dhan anagoo kaashanayna adeegyada salka ku haya. Saddexda tiir ee barnaamijyada:

Waxbarashada

Hay’addayada waxaa lagu aasaasay aaminsanaan adag oo ah in waxbarashadu ay tahay udub dhexaadka awoodda uu qofku ku guulaysan karo. Waxaan barnaamijayada u qaabaynnaa baahiyaha gaarka ah ee qoysaska aan u adeegno si aan u hubinno in barnaamijyada iyo adeegyadu ay ka jawaabaan baahiyaha soo baxaya.

Ka-qaybgal

Waxaan raadineynaa inaan u diyaarino qaxootiga si ay si guul leh ugu lug yeeshaan bulshadooda cusub iyagoo sidoo kale ilaalinaya oo ixtiraamaya aqoonsigooda dhaqameed, qiyamkooda, iyo caadooyinkooda. Barnaamijyadayada waxaa loo qaabeeyey iyadoo lala kaashanayo deriskayaga qaxootiga iyadoo ujeedadu tahay ka qaybqaadasho buuxda iyo ka-qaybgalka muwaadin firfircoon.

Taageero

Caqabado badan oo qalafsan ayaa faragelin kara u gudubka guusha leh ee nolosha cusub ee bulshada cusub ee qoysaska qaxootiga ah. Haddi ay tahay shaqada, caafimaadka, dhibaatada qoyska, baahiyaha aasaasiga ah ama caqabad nololeed kale, kooxdayadu waxa ay u qalabaysan yihiin in ay caawiyaan qaxootiga si ay u maraan caqabadaha iyaga oo taageero shakhsi ahaaneed iyo tixraacyo muhim ah u ah la-hawlgalayaal badan oo bulshada deegaanka ah.